Dadkii ka barakacay Guriceel oo Xaalad adag wajahaya

Dr. Teytaz ayaa tilmaamay in dadkaasi ay la liitaan xaanuuno kala duwan, kuwaasi oo soo food saaray tan iyo soo barakacoodii, waxana uu taasi u sababeeyey bacadka cidlada ah ee ay daadsan yihiin.

Warar Keydmedia Online
Dadkii ka barakacay Guriceel oo Xaalad adag wajahaya

GURICEEL, Soomaaliya - Tan iyo bilawgii bishan markii ay Dagmada Guriceel soo galeen Ahlu Sunna waxaa guryahooda ka hayaamay dad aad u fara badan oo ku noolaa Dagmadaasi.

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayey daris la noqdeen ku dhawaad 1,200 ( kun laba boqol) oo qoys kuwaasi oo ku noolaa Dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,waxana qoysaskani ay ka barakaceen xiisada adag ee ka dhex aloosan Urur Diimeedka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.

Dadkan ayaa magansaday Tuulooyin ay ka mid yihiin Salax-Dhadhaab,Laanta-Dheer, Ceel-Baraf,Barax, Qarsooni iyo Dhagoolayaasha, kuwaasoo dhamaantood ku yaala duleedka Dagmada Guriceel.

Dadkan aqaladooda uga hayaamay xiisada taagan ayaa wajahaya xaalad cunno la'aan, biyo yari, caafimaad darro iyo hoy la'aan, waana kuwa tuban banaan cidlo ah, isla markaana u nugul cadceeda maalintii iyo qabowga soo dhaca xilliyada habeenkii.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ee booqday Tuulooyinka ay dadkaasi maciinsadeen ayaa waxaa ka mid ah Dr. Teytaz Sheekh Cabdi Waaxid, kaasoo inoo sheegay in dadkan ay hoy la'aanta u dheertahay xaalad Caafimaad darro oo u baahan in laga bixiyo jawaab rasmi ah.

Dr. Teytaz ayaa tilmaamay in dadkaasi ay la liitaan xaanuuno kala duwan, kuwaasi oo soo food saaray tan iyo soo barakacoodii, waxana uu taasi u sababeeyey bacadka cidlada ah ee ay daadsan yihiin.

Bahda Caafimaadka iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa ku baaqaya in xiisada taagan la qaboojiyo, isla markaana labada dhinac ay arintooda ku dhameeyaan wada hadal, si ay dadkan uga baaqsadaan dhibaatooyinka ay iminka la daalaa dhacayaan.

Soo rogaal celinta Ahlu Sunna iyo xiisada kala dhexeysa Galmudug ayaa noqoneysa bilawga maalmo adag oo ay wajahayaan guud ahaan dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug, waxana labada dhinac ay u muuqdaan kuwa aanan wax masuuliyad ah iska saareynin dhibaatada culus ee ay dad rayidka ahi la kulmayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.