Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Kismaayo oo Muqdisho la keenay

Muqdisho(KON)-Afar ka mid ah Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee 18-kii Bishaan ka dhacay Magaalada Kismaayo islamarkaana lala Damacsanaa in lagu Qaarajiyo Iftin Xasan Baasto ayaa maanta la geeyey Isbitaalka Madiino ee Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Kismaayo oo Muqdisho la keenay

Dhaawacyada ayaa ah kuwa Dhaawacyo Culus qaba,waxaana ay iskugu jiraan Ciidamadii Ilaalada u ahaa Iftin Xasan Baasto iyo sidoo kale Caruur yar yar oo uu dhalay.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa Keydmedia online u sheegay  in Afarta  Ruux ee Dhaawacaa ay Xaaladoou aad u liidato,oo ay qabaan Dhaawacyo kala duwan.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Labo Ruux oo iyaguna Qaraxa ku dhaawacmay Magaalada Kismaayo looga soo tagay,kadib markii ay qaadi weysay Diyaaradii soo qaaday Dhaawac Isbitaal Madiina la Geeyey.

Jimcihii la soo dhaafay Galinkii danbe ayaa Qarax Ismiidaamin ah,waxaa lagu qaaday Guriga Magaalada Kismaayo uu ka daganaa Iftin Xasan Baasto,Iyadoona Qaraxa ay ku dhinteen 6 Ruux,kuna dhaawacmeen 7 kale.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho