Dadweyne Careysan oo dibadbax ka dhigaya magaalada Muqdisho

Dadka ayaa u muqanayan kuwo aad ugu carreysan DFS

Warar Keydmedia Online
Dadweyne Careysan oo dibadbax ka dhigaya magaalada Muqdisho

Wararka naga soo garaya degmooyinka Hilwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan shacab careysan.

Shacabkan ayaa ka careysan dhagxaan lagu jaray waddoyinka muhiimka ah ee degmadaasi, waxaana ay dalbanayaan in loo furo.

Dowladda ayaa dhagxaan ku jartay jidadka ku teedsan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, si ammaanka magaalada halkaasi looga sugo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.