Dagaal beeleed ka qarxay Galmudug

Dagaal beeleed daqiiqado kahor ka qarxay degaan ka tirsan Galmudug ayaa geystay khasaaro, iyadoo ay soo noq-noqoneyso arrintan dan iyo wixii ka dambeeyay goortii uu xafiiska fariistay Axmed Qoorqoor

Warar Keydmedia Online
Dagaal beeleed ka qarxay Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dagaal xoogan oo u dhexeeya malayshiyaad kasoo kala jeeda beelaha daga Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ka dhacay Halka lagu magacaabo Gaaragoyle oo 15-KM u jirta Deegaanka Gadoon ee Gobalka Galgaduud.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaan wali lasoo sheegin khasaaraha uu geystay balse waxaa laga cabsi qabaa in uu intaas ka balaarto maadaama xiisaddu maalmahaan danbe taagnayd, sidoo kalena hub isku uruursi xoog leh ayaa laga dareemayaa deegaanada ku dhaw labada dhinac.

Dagaalkaan ayaa ah mid cusub iyadoo aan weli xal laga gaarin dagaal beeleedkii degaanka Xananbuure ee u dhexeeya malayshiyaadka Cadaado iyo Dhuusamareeb kasoo kala jeeda.

Bartamihii sanadkii na dhaafay ayey inta badan degaanada Galmudug ka billowdeen dagaal beeleedyo aan weli xal laga gaarin, tanina waxay muujineysaa in uu sii kordhayo dagaal beeleedyada ka dhaca Galmudug tan iyo wixii ka dambeeyay goortii uuxoogga kula wareegay xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.