Dagaal beeleed ka socda gobolka Galgaduud

Dagaal udhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa ka billowday galinkii dambe ee maanta degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Dagaal beeleed ka socda gobolka Galgaduud

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deegaan lagu magacaabo Galgalad oo Kaxandhaale 6 Km u jirta ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala needs degmada Galinsoor iyo degaanka Dhabad oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.

Sadax ruux ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen halkaasi, iyadoo sidoo kalena uu jiro dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada.

Dagaal beeleedka ayaa salka ku haya muran dhul oo muddo soo jiitamayey mana jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, iyadoo baaq loo diray nabadoonada ku haybta ah maleeshiyaadka halkaasi ku dagaallamaya.

Laamaha amniga ee Galmudug ayaan weli wax war ah kasoo saarin, iyadoo maanta dagaal qaraar uu ku dhexmaray degaanka Wisil ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.