Dagaal beeleed maalintii Saddexaad ka socda Doolow

Dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed ka kala tirsan beelo waloolo ah oo wada dega gobolka Gedo ayaa maalintii saddexaad ka socda duuleedka degmada Doolow.

Warar Keydmedia Online
Dagaal beeleed maalintii Saddexaad ka socda Doolow

DOOLOW, Soomaaliya – Dagaalka oo u muuqda mid sii xoogeysanaya ayaa ku fiday tuulooyin dhaca wabiga jinkiisa, waxaana la soo warinayaa ugu yaraan 20 dhimasho ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul-beereed dhaca xuduud beenaaka, waxaana guud ahaa laga barakacay ku dhawaad 10 tuulo oo dagaalku saamaayey.

Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Koofur galbeed, Aadan Maxamed Cismaan, ayaa Guddoomiyaha degmada Doolow ee Dowlad goboleedka jubbaland ku eedeeyay in uu hurinayo colaaddaha, isla markaana uu mid ka mid ah beelaha ugu ku tilmaamay Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa soo warinaya in dhaawacyo faraadan la geeyay Doolow, wax garadka labada dhinac ayaana ku baaqaya in laa damiyo colaadda.

Maalmo ka hor ayay markii ay gudaha Doolow ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan Dowladda Fadaraalka, kadib muran soo kala dhexgalay Nabad-sugidda iyo Milatariga.

KEUDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.