Dagaal caawa ka dhacay J/hoose

Dagaalka ayaa ahaa mid xooggan islamarkaana si lama filaan ah ku bilowday.

Warar Keydmedia Online
Dagaal caawa ka dhacay J/hoose

Dagaal ayaa caawa ka dhacay deegaanka Hosingow ee goblka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey Al-shabaab iyo ciidanka Kenya.

Sida wararku aan ku heleyno waxay sheegayaan in ururka Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadama ay habeen tahay, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas culus.

Dadka ku dhaqan deegaanka Hosingow ayaa sheegay in xilli walbo ay cabsi ku joogaan, maadaama Al-shabaab ay marar badan weeraro ku qaadeen deegaankaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.