Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa xalay ilaa iyo saaka ka socda degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.
BALAD-XAAWO ,Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka amar qaata wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay weerar ku qaadeen magaalada Balad-Xaawo saqdii dhexe ee xalay.
Dadka deegaanka aya warbaahinta u sheegay in Ciidamada Jubbaland ay la wareegeyn qeyb ka mid ah gacan ku heynta magaalada.
Dagaalka oo qasaaro xoogan dhaliyay ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday taliyihii booliska degmada Balad-Xoowo Maxamed Cabdi Nuur.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegaya in ciidamada maamulka ee uu la socda wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan ay gacanta ku dhigeen Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada qabasaday Magaalada markii hore iyaga lagu weeraray duuleedka degmada oo ay ku sugnaayeen tan iyo bilaawgii sandki hore, iska caabin ay sameyeen kadibna ay gudaha u galeen magaalada.
Dowaladda uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo ayaa qeyb ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo geysay ciidamo ay ka daabushay Magaalada Muqdisho si ay ula dagaalamaan ciidamada Juballand ee Tobon-ka sano ka hor kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay gobolkaas.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments