Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Axmed Madoobe ayaa ku go'doonsan Kismaayo, iyadoo maamulkiisa uusan ka talin meel 15-KM u jirta magaaladda.
KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidanka Jubbaland xili ay howlgallo ka sameynayeen wadada isku xirta Kismaayo iyo tuuladda Cabdalla-Biroole.
Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay inay Ciidankooda iska caabiyeen weerarka gaadmada ee Al-Shabaab, iyagoo intaasi ku daray inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac soo gaarey.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in saddex Askar ay ku dileen weerarka, islamarkaana ay dhaawac gaarsiiyeen tiro intaasi ka badan. Ma jirto illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda Kooxda argagaxisadda.
Dadka degaanka Cabdalla-Biroole ayaa sheegay in isku socodka wadada uu hakad galay mudo saacado ah intii uu socday dagaalka Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland.
Al-Shabaab oo laga soo saarey Kismaayo 2012 ayaa wali maamusho degaannada ku dhaw magaaladda xeenta ku taalla, oo fadhi u ah maamulka Axmed Madoobe, oo ay difaacayaan Ciidanka Kenya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments