Dagaal Culus oo ka dhacay Wanlaweyn

Dagaalka waxuu u dhaxeeyay Ciidan kala taabacsan gudoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa arrimaha bulshadda, iyadoo labada mas'uul ay isku hayaan arrimo khilaaf shaqsi ah, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Warar Keydmedia Online
Dagaal Culus oo ka dhacay Wanlaweyn

WANLAWEYN, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo Maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka waxuu u dhaxeeyay Ciidan kala taabacsan gudoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa arrimaha bulshadda, iyadoo labada mas'uul ay isku hayaan arrimo khilaaf shaqsi ah, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay ku-xigeenkiisa inuu isaga weerarka billaabey oo gurigiisa kusoo duulay, isagoo intaasi ku daray in Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay qeyb ka yihiin dagaalka.

Xaaladda degmada ayaa kacsan, iyadoo labada dhinac ay isku hub iyo Ciidan aruursanayaan, waxaana jirin cid kala dhexgashay dagaalkii Maanta oo iskiisa u istaagay.

Madaxweyne Lafta Gareen oo dayacay mas'uuliyadda Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Muqdisho, oo uga qeybgalayo Shirka arrimaha doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.