Dagaal culus oo ka socda degmada Wanlaweyn

Dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan degmada Wanlaweyn.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka socda degmada Wanlaweyn

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka K/galbeed iyo maleeshiyaad isku soo abaabulay qaab beeleed ayaa haatan ku dagaallamaya degmada Wanlaweyn ee goboka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyaadkan ayaa weerar ku qaaday goob koontarool ah oo ciidamada K/galbeed lacagaha canshuurta ku qaadayeen, waxaana ay halkaasi ku dileen Afar ka mid ah ciidanka K/galbeed.

Dagaalka ayaa xoogeystay kadib markii ciidan gurmad ah oo K/galbeed ay halkaasi gaareen, waxaana dhici karta in kharaasaha uu intaasi ka bato

Wixii kusoo kordha kala soco KON.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.