Dagaal ka dhacay Cadaado

Dagaalka ayaa socday in ka badan 20 daqiiqo, waxaana uu cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Cadaado

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleshiyaad u baabulan qaab beeleed iyo sidoo kale ciidamada NISA ee ku sugan magaaladaasi.

Maleeshiyaadkan ayaan lagu soo waramayaa iney weerar kusoo qaadeen xarunta madaxtooyada Cadaado oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabadsugidda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacmay Labo qof oo mid uu yahay shacab, halka kan kalena la sheegay inuu ka tirsan yahay dhinacyadii dagaallamay.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa dib la isga caabiyey waxaana ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Cadaado.

Lama oga waxa ay qoonsadeen maleeshiyaadkan oo ay weerarkaan usoo qaadeen, hase ahaatee xaaladda ayaa hadda ah mid yara deggan.

Maamulka degmada Cadaado iyo saraakiisha ammaanka kama aana hadal dagaalkan caawa ka dhacay magaaladaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.