NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Dagaal adag ayaa galabta ilaa caawa ku dhex maraya Ciidamada Booliska Dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyo hubeysan oo Jid-goooyo dhigtay deegaanada Dhagaxyaale iyo Dhisaqa oo dhanka qorrax u dhaca kaga aadan Magaalada.
Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiy Keydmedia Online, in ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa Haramcad oo ka yimid Dhuusamareeb ay salaaddi Cisho kadib u gudbeen wadada Miirqaasin oo dhanka qorrax u dhaca uga baxda Magaalada, hayeeshee inta aysan gaarin Dhagaxyaale oo ah deegaanka lagu dagaalamayo dhex loo galay.
Maleeshiyadan hubeysan ayaa ku gaaf waareegayay magaalada tan iyo markii jidgooyooyin u yaalay lagu qanciyay in ay qaadaan bishii hore.
Maleeshiyadaan hubeysan ayaa diidan saameynta uu Maamulka Galmudug ku leeyahay Matabaan oo ka tirsan DG HShabeelle.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments