Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan Jubbaland oo ka tagey magaalada Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal u dhaxeeyay ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa jidka u galay gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidanka Jubbaland, waxaana ugu horreyn la maqlay qarax xooggan, kadibna waxaa xigay dagaalka.

Faah fahin buuxda lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo ciidanka Jubbaland ee jidka loo galay ka baxeen Kismaayo, kuna sii jeedeen deegaanka Cabdalle Biroole.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.