Dagaal ka dhacay duuleedka degmada Matabaan

Dagaal muddo kooban socday ayaa maleeshiyaad qaab qabiil u baabulan ku dhex maray degaanka Dhisaqa oo dhaca duuleedaka Degmada Matabaan.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay duuleedka degmada Matabaan

MATABAAN, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in is rasaaseyn kooban ay maanta degaanka Dhisaqa oo hoos taga degmada Matabaan, ku dhex martay maleeshiyaad hubeysan oo kala taabacsan labo beelood oo walaalo ah isla-markaana wada dega Goboolka.

Waxaa hadda is taagtay xabadda, waxaa la xaqiijiyay dhaawaca labo ruux oo mid haween tahay, kuwaas oo loo qaaday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Degaaanka Dhisaqa oo dhanka qorrax u dhaca ka xiga magaalada Matabaan, waxaa dhawaanahaan ku soo laalaabanayay is rasaaseynta maleeshiyaadka, mana jiro wax war ah oo Maamulka Gobolka ka soo saaray.

Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka, ayaa dhankooda u muuqda in ay indhaha ka dedanayaan colaadaha loo laalaabtay ee mudada dheer ka aloosan bariga Gobolka Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.