Dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka oo ka dhacay tuulo ku taallo inta u dhaxeyso degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. 

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo saacadihii  la soo dhaafay ka dhacay deegaan u dhaxeeyo Matabaan iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay maleyshiyaad hubeysan, kuwaas oo hab beeleed u abaabulnaa, waxaana la sheegayaa in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabsi dhanka dhulka ah oo ka dhex aloosan dadka deegaanka.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa markii dambe si iskiis u istaagay, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiyo maleyshiyadii hubeysneed sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa haatan wado waan waan ku aadan xal u helidda colaaddaan ka soo cusboonaatay Hiiraan.

Gobolka Hiiraan oo ku yaallo bartamaha Soomaaliya ayaa ka mid ah gobolada inta badan ay ka dhacaan dagaalada ku saleysan qabaa'ilka, isku heysto dhul daaqsimeedka xoolaha loo raaco iyo dilalka aanooyinka ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.