Dagaal ka dhacay Magaalada Baladweyne

Dagaal kooban oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud ayaa saaka ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Magaalada Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Dadka degmada ayaa ku waabariistay rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan Malleeshiyo ka amar qaata Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame 'Xuud' iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ee ku suga Baladweyne.

Malleeshiyada Jeneraal Xuud oo diidan maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa fariisin ku leh degaanka Ceelgaal oo dhanka Bari ka xiga Baladweyne.

Dagaalka Saaka dhacay oo ay soo qaadeen Malleeshiyada gadoodsan ayaa la sheegay in ay ka caroodeen dad dumar u badan oo maamulka HirShabeelle ku xiray Baladweyne.

Ilaa hadda lama xaqiijin inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashay dagaalka, laakiin wararka ayaa sheegaya in Malleeshiyada Xuud dib uga baxay magaalada.

Sida Keydmedia Online ay u sheegeen dadka degaanka, xaaladda magaalada ayaa hadda daggan, waxaana ganacsatada furteen xarumahooda ganacsiga.

Jeneraal Xuud, oo ka gadooday doorashadii ka dhacday HirShabeelle ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu soo dirtay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana aan ku imaan rabitaabka Shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.