Dagaal ka dhacay Sh/dhexe

Dagaalkan ayaa ahaa mid xooggan, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Sh/dhexe

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Basra oo ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey ciidanka xoogga dalka oo howlgal u aaday dhanka Basra, waxaana la isku adeegsaday hub aad u xooggan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray, wuxuuna dagaalkan yimid xilli ay ciidanka dowladda saakay hawada ka saareen isgaarsiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.