Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose

AFGOOYE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday kolonyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu yaraan Siddeed qof oo ay ku jiraan askar ayaa ku geeriyooday dagaalka, tiro kalane waa lagu dhaawacay.

Weerarka gaadmada ah wuxuu ka dhacay agagaarka tuulada la yiraahdo Doonka oo 40 kiiloomitir (24 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Abshir Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan booliska gobolkaas ayaa warbaahinta u sheegay in la bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Militaraga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in lix askari iyo laba darawal ay ku dhinteen weerarka, isagoo intaa ku daray in dadka dhaawacmay loo qaaday Afgooye, si loogu daweeyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale maanta sheegatay inay weerareen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Bakool.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.