Dagaal ka dhacay Shabellaha Hoose

Dagaalkan ayaa ahaa mid xooggan, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Shabellaha Hoose

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay iyo saakay ka kala dhacay degmada Janaale iyo deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa soo qaaday weerarka dagaalkan, waxaana jira khasaare Labada dhinac soo kala gaaray.

Lama oga khasaaraha inta uu la egyahay, iyadoo weli goobihii lagu dagaalamay ay ka taagan tahay cabsi ah in mar kale dagaal uu ka dhaco.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.