Dagaal ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab ayaa jidka u gashay Kolonyo gaadiidka ay oo ay la socdeen Ciidanka Kenya.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya

MANDHEERA, Kenya - Dagaal culus ayaa ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan kadib markii Kooxda Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadey Ciidan katirsan Militeriga Kenya.

Dagaal saacado qaatey ayaa labada dhinac ku dhexmaray tuulo lagu magacaabo Kintoo oo katirsan Mandheera, iyadoo Al-Shabaab ay sheegtay inay labo Askari oo Kenyan ah ku dishay weerarka saakay dhacay.

Saraakiisha Ciidanka difaaca Kenya [KDF] ayaa beeniyay warka Al-Shabaab, iyagoo sheegay inuusan jirin khasaaro dhimasho, maadaama la iska caabiyay kuwa jidka u galay Kolonyada gaadiidka.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah mani darro ka jirta gobolka waqooyi bari Kenya, oo Al-Shabaab ka fuliso weeraro joogto ah, iyadoo ka faa'idaysanaysa xuduuda dheer ee furan, taasoo ay ka gudbaan dagaalyahanadeeda.

Kenya ayaa Ciidan badan oo 4,000 ku dhaw ka jooga Soomaaliya kuwaasoo awoodi waayay inay Al-Shabaab ka celiyeen xuduudooda inay ka gudubto, oo gudaha wadankooda ka fuliso weeraro.

Al-Shabaab waxay sheegtay inay sii wadayso weerarada inta Kenya ay Ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaya ka howlgalaan Jubada Hoose iyo Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.