Dagaal ka socdo degmada Bacaadweyn

Dagaalka oo ah mid goos goos ah ayaa u dhaxeyso dadka deegaanka iyo kooxda Shabaab. 

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka socdo degmada Bacaadweyn

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeyo dadka deegaanka iyo Kooxda Al-Shabaab ayaaa maalintii labaad ka soconaya deegaanka Shabeelow oo hoos taga degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ahaa mid goos goos ah waxaa uuna yimid kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabab ay habeen hore soo galeen deegaanka Shabeelow kadibna Miinooyin ku aaseen sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Axmed Daahir.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo warinayaa inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.