Dagaal khasaare xooggan sababay oo ka dhacay Galgaduud

Sida ay xaqiijiyen dad goobjoog ah, ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka, waxaana jira dhaawac intaas ka badan.

Warar Keydmedia Online
Dagaal khasaare xooggan sababay oo ka dhacay Galgaduud

GALLINSOOR, Soomaaaliya – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in dagaal sababay kharaase xooggan uu gabal-dhicii galabta ka dhacay degaanka Mira-cawleed oo hoos-taga magaalaada Galinsoor.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed ka soo kala jeedda Dhabad iyo Galinsoor, ayaa billaawday kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyada labada beelood.

Sida ay xaqiijiyen dad goobjoog ah, ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka, waxaana jira dhaawac intaas ka badan.

Dagaalkaan, ayaa ku soo aadaya xilli uu koofurta gobolka Mudug ka holcayo dagaal, Kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo degaannada maamulka Galmudug.

Maamulka Qoorqoor, ayaan wali ka hadlin, dhacdada degaanka Mira-cawleed, hayeeshee, odayaasha dhaqanka ee Galinsoor, ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka kala dhex galaan.

Colaadaha la xariira aanooyinka qabiilka, ayaa aad ugu badan Gobolka Galgaduud, mana jirto tallaabo wax ku ool ah oo Qoorqoor u qaaday xalka arrinkaas, tan iyo markii uu yimid Xaafiiska.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.