NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Dagaalka ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda ay Ciidamo cusub u dirtay Beledweyne, oo xiisad ka taagan duleedkeeda.
BELEDWEYNE, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo dagaal Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ay leeyihiin, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor'imaad muddo saacado ah socday, sida dadka degaanka u xaqiijiyeen KON.
Labada dhinac ayaa soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan, iyadoo Saraakiil u hadashay Ciidamada dowladda ayaa sheegtay in ay iska-cabiyeen weerarka Al-Shabaab.
Dhanka kale, Al-Shabab ayaa warar ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka waxay ku sheegeen inay dileen hal Sarkaal oo kamid ahaa Ciidanka Dowladda, islamarkaana ay dhaawaceen seddax askari. Ma jiraan illo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments