Dagaal ka socda Muqdisho

Dagaal qaraar ayaa ka socda degmada Hodan ee gobolka Banaadir, dagaalkaan oo Farmaajo soo abaabulay ayaa lagu qaaday guriga uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka deggan yahay Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka socda Muqdisho
April 25, 2021 - 11:54:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Warbixinteena tooska aheyd meshaan ayay ku egtahay laakiin wixii warar ah oo kusoo kordha kala soco bogga KEYDMEDIA English ee Twitter. Halkaan ayaad waxaa ka heleysa Muuqaallo iyo macluumaad dheeri ah. 

April 25, 2021 - 10:58:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka KON ayaa sheegaya in Ciidamada Gorgor labo gaari oo nooca dagaalka in looga gubey iska hor'imaadkii ka dhacay Muqdisho.

April 25, 2021 - 10:24:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Dagaalka Muqdisho ayaa istaagay goordhaw, balse waxaa jirta rasaas Goos-Goos ah oo laga maqlayo KM4, Dabka, Sanca, Mirinaayo iyo goobo kale oo Ciidamada gadoodsan ay la wareegeen.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo gaadiidka gurmadka [Ambulance] loo diiday goobaha qaar inay tagaan intii uu socday dagaalka.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii xalay qeybo kamid ah degmada Kaaraan ay soo galeen Ciidan taabacsan Mucaaradka oo ka yimid dhanka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo isla markiiba la wareegay Sanca iyo Fagax. 

April 25, 2021 - 10:11:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Wasaaradda Amniga ayaa soo saartey qoraal ay ku sheegtay inay Ciidamada dowladda fashiliyeen dhowr weerar oo la isku dayay in lagu soo qaado Muqdisho Maanta, islamarkaana ay kahor tageen malleeshiyo hubeysan oo rabtay inay cabsi iyo argagax geliso shacabka.

Waxay wasaaradda ka digtay in la siyaasadeeyo Ciidanka qaranka, waxayna walaac ka muujiysay eedeynta Xasan Sheekh ee ahayd in gurigiisa ay soo saareen Ciidamo ka amar qaata Farmaajo.

Qoraalka waxaa lagu xusay in amniga Madaxdii hore ee dalka iyo qoysaskooda ay mas'uuliyad ka saaran tahay dowladda, islamarkaana lagu xadgudbi karin.

April 25, 2021 - 9:38:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Safaaradda Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay dagaalka Muqdisho, waxayna ku baaqday degaanshaha in la ilaaliyo, islamarkaana ay dhinacyada muujiyaan is-xakameyn.

April 25, 2021 - 9:36:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Illo Xog-ogaal ah ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in saddex Gaari oo nooca dagaalka, islamarkaana ay la socdaan tobaneeyo askari inay isku dhiibeen Saadaq Joon, taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir, oo hadda dhinaca Mucaaradka la safan, isagoo dhawaan degay xaafadda Shiirkole oo difaacyo ka sameystay.

April 25, 2021 - 9:27:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Midowga Musharixiinta ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaadey Xasan Sheekh iyo C/raxmaam Cabdishakuur Warsame, oo ay sheegeen inay ka dambeeyaan Ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababarka siiyay, iyagoo ku eedeeyay AMISOM inay Fahad Yaasiin siiyay hubka lagu soo weeraray Mucaaradka.

Qoraalka Musharixiinta ayaa looga digay Turkiga iyo AMISOM inay qeyb ka noqdaan dagaalka sokeeye ee Soomaaliya iyo in Ciidanka qaranka loo adeegsado dano shaqsi.

April 25, 2021 - 9:18:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dagaalka ka socda Muqdisho, isagoo tilmaamay in kuwa ka dambeeya lagula xisaabtami doono.

"Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka mas'uulka ka ah waa lagula xisaabtami doono," ayuu hadalkiisa raaciyay Nicolas Berlanga.

April 25, 2021 - 9:13:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xasan Cali Khayre: "Waxaa wax aad looga xumaado ah in markii 2.aad hoygiisa lagu weeraro madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday, ay weerar toos ah ku qaadeen hoygiisa magaalada Muqdisho. Wax kasta oo dhacaya waa wixii aan ka digay".

April 25, 2021 - 9:07:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa beeniyay in Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen Hoyga uu Xasan Sheekh ka degan yahay degmada C/casiis, nawaaxiga Mirinaayadda, halkaasoo ka dhacay dagaal culus galabta illaa Caawa socday

April 25, 2021 - 7:06:00
MUQDIHSO - Keydmedia Online

Cabdiraxmaan Cabdishkuur: "Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoygayga. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo saraakiil iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo".

April 25, 2021 - 6:06:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xasan Sheekh oo ka hadlay weerarka lagu qaadey hoygiisa ayaa yiri: "Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo".

MUGDISHO, Somaaliya - Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo ka soo hor jeeda Farmaajo iyo kuwo NISA oo daacad u ah Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa ka socda degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamo milatari ah oo ka gadooday muddo kordhinta loo samaayey Farmaajo ay xalay soo gaareen degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho, isla markaaana maanta isku faafiyeen qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda.

Degmada Cabdulcasiis, gaar ahaan aagga ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa ah halka ciidamadu isku farasaareen, waxaana dhawaqa rasaastu ka soo billaabatay Isgoyska Sanca.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijinayaan goob joogayaal, Ciidamada NISA , Waran iyo kuwa Gorgor oo gadaal uga biiray dagaalka ayaa laga itaal roonaaday, waxaana hadda halka loo yaqaan, Mirinaayo ku sugan ciidamada Militariga ee diidan muddo kordhinta.

Rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la warinayaa in Ciidamada NISA ay hub ka soo qaateen AMISOM, si ay weerar ugu qaadaan guriga uu Xasan Sheekh Maxamuud ka degan yahay degmada Cabdicasiis.

Dhanka kale, Ciidamadii gadoodsanaa ee maanta la wereegay Fagax ayaa dib ugu laabtay degaanka Gubadley ee degmada Heliwaa, kadib markii ay wadahadallo la yeesheen Odayaasha degaanka.

Taliyayaasha Ciidamada godoodsan oo xalay la kulmay ergo Farmaajo ka socatay ayaa diiday in ay dib ugu laabtaan fariisimahodii, waxayna sheegeen in ay gali doonaan Madaxtooyada haddii aan laga laaban muddo kordhinta.

Xaaladda Muqdisho ayaa noqotay mid aan amni ahaan la isku hallayn karin, kadib markii 12-kii Apriil uu aqalka hoose Farmaajo u sameeyay muddo kordhin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.