Dagaal qarax ku bilowday oo ka dhacay Hiiraan

Dagaalkan ayaa ahaa mid lama filaan ah oo ciidanka DFS kala kulmeen Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
Dagaal qarax ku bilowday oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Buurweyn, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-shabaab ayaa jidka u galay kolnyo ay la socdeen ciidanka DFS, kuwaas oo uu kusii jeeday degmada Buulo-burde, ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa ku bilowday qarax Miino oo lala eegtay kolonyadan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday, balse lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo dagaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.