Dagaal u dhaxeeya CXD iyo Al-Shabaab oo ka billowday Galmudug

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday degaan udhaw caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb

Warar Keydmedia Online
Dagaal u dhaxeeya CXD iyo Al-Shabaab oo ka billowday Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeya ciidamda dowladda ee ku sugan Galmudug iyo kuwa kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Orshe oo dhanka bari 50Km ka xiga caasimadda galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ayaa sheeganaya in ay guul ka gaareen dagaalka islamarkaana ay qasaare xooggan ku gaarsiiyeen deegaanka Orshe oo ah halka ay labada ciidan isku fara-saareen. Sarkaal u hadlay Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in goobtii lagu dagaallamay ay yaallaan meydadka kooxdii ay kula dagaallameen halkaas ee Al-Shabaab waxa uuna intaa ku daray in laga furtay hubkii iyo saadkii ay wateen kooxda. Waxaa dab la qabadsiiyay dhir ay ka dhiganayeen gabbaad intii ay meesha joogeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wadday baryahan dhaqdhaqaayo xooggan oo ku aadan dhul ballaarsi, iyadoo ku soo siqeysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb islamarkaana la wareegtay degaanno horay loogu dagaallamay oo kooxda looga awood roonaaday markii hore, balse ay hadda gacanta ku dhigeen, sidoo kale gobolka mudug degmooyin ka tirsan ayey aad ugu soo siqeen, iyagoo la wareegay degaanka Bacaadweyne oo kooxda Al-Shabaab iyo CXD ay ku dagaallameen balse mar dambe ay si nabada kula wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Galmudug ayaa xilligan ku mashquulsan udiyaar garowga doorashooyinkii baarlamanka oo la filayo in dhawaan ay ka billowdaan laba magaalo oo ka tirsan Galmudug, inkastoo ciidankii jiidaa hore ku sugnaa ay gudaha usoo galeen magaalooyinka ay doorashadu ka dhici doonto islamarkaana ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada ee xilligan ka socda guud ahaan magaalooyinka kale ee doorashada laga rajeynayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.