Dagaal u dhaxeeya Ciidamda DDS iyo Canfarta oo billowday

Dagaal aad u qaraar ayaa wuxuu dhex maray ciidamada dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwa Canfarta oo ka wada tirsan maamulka federaalka Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Dagaal u dhaxeeya Ciidamda DDS iyo Canfarta oo billowday

JIGJIGA, Itoobiya - Dagaal ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhexmaray galbeedka fog ee gobolka Siti Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa degaanka Canfarta ee hoos taga dalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku sababay dhimasho iyo dhawaac labada dhinac ah, iyadoo dagaalka xooggiisu uu ka dhacay magaalooyinka xuduudka teedsan ee gobolka Siti.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku dagaallamay halkaas.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib muran dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeya labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo goobaha ay Canfartu sheeganayso ay deggan yihiin qoysas Soomaaliyeed.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu isbadalka weyn ku yimid waddanka Itoobiya ee uu talada dalka la wareegay Abiy Axmed, waxaa sare u kacay dagaallada lagu hayo dadka Soomaalida ah ee ku hoos nool maamulka federaalka Itoobiya, waxaana dagaalladii ugu horreeyay ay dhexmareen Soomaalida iyo Oromada, iyadoo ay dib mar kale ugu dirireen Soomaalida iyo Canfarta kuwasoo ilaa hadda uu dagaalkoodu taagan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.