Dagaal Beeleed Qasaare Geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Baledweyne (KON) - Dagaal Beeleed ayaa Saakay ka bilowday Deegaanka Kabxanleey oo 30 KM u jirta Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Dagaal Beeleed Qasaare Geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaalka ayaa biloowday Aroortii Saakay, kaas oo dhex maray Labo Maleeshiyo Beeleed oo mudooyinkaan ku dagaalamayey Qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyey 10-Ruux oo is kugu jira Maleeshiyaadkii Dagaalamay iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay Dagaalka Saakay, waxaana dhaawaca lagu qiyaasay 20 Ruux.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Dab laqabadsiiyey Tuulada Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan oo Dagaala Saaka uu ka biloowday.

Dagaal Beeleedka Gobolka Hiiraan ayaa ku soo noq noqday halkaasi, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa Beero iyo Dhul Daaqsin ah.

Keydmedia online - Xafiiska Baledweyne