Dagaal culus oo Ka Socda Nawaaxiga Xeebta Ceel-dhiig Ee Kismaayo

Kismaayo (KON)-Dagaal culus ayaa hadda waxaa uu ka socdaa xeebta Ceeldhiig ilaa nawaaxiga Jaamacada magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaan uu yimid kadib markii Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda ay xooggaa iska caabin ah ay kala kulmeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo Ka Socda Nawaaxiga Xeebta Ceel-dhiig Ee Kismaayo

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka hadda ka socda magaalada Kismaayo, waxaana adag in si rasmi ah loo ogaado tirada khasaaraha maadaama uu wali socda Kismaayo.

Waxaa la maqlayaa madaafiic culclus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya, wali la soo sheegin dad rayid ah oo wax ku noqday dagaalka iyo duqeynta ka socta Kismayo.

Faah faahin dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

Keydmedia waxay akhristayaasheeda sharafta leh u ballan qaadeysaa inay daqiiqad kasta u soo tabiso wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo