Dagaal haatan ka socota gudaha Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa si weyn looga maqlayaa dhawaqa madaafiicda culus oo ay isku ridayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo dhan ah iyo Al-Shabaab gudaha magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Dagaal haatan ka socota gudaha Muqdisho

Deyqeynta ka socota magaalada muqdisho ayaan la ogeyn sababaha dhaliyay ayadoona aysan jirin wax dagaalo ah oo aanan u dhaxeyenin dhinacyada ku dagaalamaya caasimadda magaalada muqdisho.

Dadka ku nool suuqa bakaarha iyo agagaarkeeda ayaa la soo sheegayaa in ay saraha shubka ah ku carareen maadaama ay ka mid tahay suuqa bakaaraha meelaha ay madaafiicdu ku hoobaneyso.

Xaafadaha madaafiicda lagu garaacayo ayaa waxaa ka mid ah al baraka, siinaay, afarta darjiin, suuq bacaad, wadada shaqaalaha, xamar weyne, iyo xamar jabjab.

Sida la ogsoon yahay ayaa inta badan markii ay dhacaan madaafiic ay isku ridayaan ciimada AMISOM oo gacan ka helaya dowladda KMG iyo Shabaab ayaa intooda badan waxaa ay waxyeelo ka soo gaartaa dad shacab ah.

Ugu dambeyntii ayaan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda ka socota magaalada muqdisho.