Dagaal ka dhacay Buurdhuubo

GEDO(KEYDMEDIA) Dagaal sababay qasaaro ayaa ahlu-suna iyo Shabaab ku dhex maray degmada buurdhuubo ee gobalka Gedo Xalay.
Warar Keydmedia Online
Dagaal  ka dhacay Buurdhuubo

Inta la ogyahay dagaalka waxaa ku geeriyooday 5 askari oo labada dhan ah iyadoona ay ku dhaawacmeen tira intaas ka badan sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo la hadlay keydmedia.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa iminka la soo warinayaa in ay xasiloonyihiin isla markaana aanay ka jirin wax dhibaata ah iyadoona ciidamada labada dhan ay wadaan abaabul xoog leh iyo qaban qaabo dhanba dhanka kale uu ku doonayo inuu kaga adkaado.

WWW.KEYDMEDIA.NET