Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ciidamada dowladda iyo Kuwa Kenya ayaa weerar ay ku soo qaadeen kooxa hubeysan halkaasoo Maalmo ka hor ay la wareegeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helay Ciidamada Kenya.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dhinacyadii Dagaalamay ay kaga geeriyoodeen tiro afar ruux ah hayeshee ay haatan gacanta ku heyaan Deegaankii lagu dagaalamay Ciidamada dowladda
dhinaca kale shalay Galinkii dambe ayaa waxa uu Dagaal ku dhexmaray inta udhexeysa Magaalada Dhoobley iyo Deegaanka Taabta ee Gobolka Jubada Hoose Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo dhinaca iyo Kooxa hubeysan .
Dagaalkaasi oo yimid ka dib Markii Kolonyo Gaadiid ah oo ay saaraayeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo wada socda ay dhexda ugaleen Dabley hubeysan dagaalkaas ayaa la sheegay in Ciidamada dowladda uu kaga geeriyoodey 1 askari halka kenyana uu kaga dhintay 1 Sarkaal sida dad deegaanka ah ay shabelle uxaqiijiyeen
Afarta Ruux ee geeriyootay ayaa la tilmaamayaa in labo ka mid ah ay ahaayeen Askari Soomaali ah iyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya.
Add comment
Comments