Dagaal ka dhacay Deegaanka Labo Ceel

Hobyo (KON) - Waxaa Xalay Deegaanka Labo Ceel ee Gobolka Mudug ka dhacay Dagaal Culus oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Deegaanka Labo Ceel

Dagaalkaas oo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedyo ayaa ahaa mid Hubka Culus la isku adeegsaday, waxaana la sheegaya in 6 ruux ay ku dhinteen, halka 4 kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka Deegaanka oo Keydmedia Online la hadleen ayaa sheegeen in Dagaalkaan uu ka duwanaa kuwa kale oo ka dhaca Deegaanka oo badanaa dhexmata Xoolo Dhaqato.

Saakay Degaanka Labo Ceel ayaa laga dareemayaa Xiisad Dagaal.

Wixii kusoo kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Hobyo // Gaalkacyo