Dagaal ka dhacay Degmada Buur-dhuubo Gobolka Gedo

Buur-dhuubo(KON)-Dagaal u dhaxeey Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Degmada Buur-dhuubo  Gobolka Gedo

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Al-shabaab Degmada ay soo weerareen,waxaana Weerarka ka hore Degmada Buur-dhuubo ka dhacay Weerar Madaafiic ah oo Shabaabku soo qaadeen.

Xoghayaha Dicaafa Ururka Ahlusunna ee Gobolka Gedo Sh Mursal  ayaa Keydmedia online u sheegay in Dagaalka lagu jabiyey Al-shabaab Maleeshiyaadna looga dilay.

Warar Hor dhac ah ayaa sheegaya in Dagaalka ay ku dhinteen Seddex Ruux oo Shacab u badan.

Sargaalkaasi u hadlay Ahlisunnna ayaa intaa ku daray in Dagaalka Xalay ka dhacay Buurdhuubo Al-shabaab Hub looga furtay,khasaarena lagu gaarsiiyey.

Tan iyo markii Buur-dhuubo laga qabsaday Al-shabaab ayaa waxaa ay soo qaadayeen Weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadayeen Fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho