Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbuur

Ceelbuur(KON)-Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo Maleeshiyada Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbuur

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Maleeshiyada Al-shabaab ay soo weerareen  Degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Labada Dhinaca uu dhexmaray Dagaal saacado qaatay iyo Madaafiic ay isweydaarsadeen .

Khasaaraha Dagaalka Xalay ayaan la sheegin,maadaama uu jiri karo Khasaare oo Dagaalka uu Cuslaa.

Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa Bishii Marso ee Sanadkaan waxaa laga saaray Gacanta Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab,oo dhibaato ku hayey Dadka Shacabkaa ee halkaasi ku nool.

Waxaase intaas Al-shabaab Degmada ay ku soo qaadayeen Weeraro u Muuqda Kudhufo oo ka dhaqaaq,bacdamaa Awoodii Al-shabaab la wiiqay.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho