Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaalka ayaa dhacay 2:00 Fiidnimo ee Xalay ,waxaan Weerar Degmada Mahddaay ku soo qaaday Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu Geeysta Dhimasho iyo Dhaawac soo kala Gaaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.
Inta la og yahay Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday 4 Ruux oo iskugu jira Ciidamadii Dagaalamay iyo Dhaawac intaa ka badan oo Soo kala gaaray Garabyada Dagaalamay.
Axmed Cali “Ileey” oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dagaalka Xalay ay ku Jabiyeen Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday.
Waxaana Saaka Degen Xaalada Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha dhexe oo Xalay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments