Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Baydhabo (KON) - Waxaa Degaanka Goof-gaduud ee Koonfur galbeedka magaalada Baydhabo ka dhacay Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dawladda oo taakuleyn ka helaya kuwa Amisom iyo Maleshiyada kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Dagaalka oo sida dadka degaanku ku soo waramayaan labada dhinacba khasaarooyin kala duwan ay soo gaareen ayaan dhab ahaan la qiyaasi karin Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Sida Saraakiil ka tirsan Ciidamda Dowlada ay Warbaahinta u sheegeen, Dagaalkaan waxaa ku dhinteen 5 Qof halka 10 kale ee ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadday deegaanka Goof-gaduud oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Keydmedia Online - Xafiiska Baydhabo