Dagaal ka dhacay duleedka Hiiraan

Hiiraan(keydmedia) Ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka Hiiraan iyo xoogaga dowlada ka soo horjeeda ayaa xalay ku dagaalamay duleedka gobalka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay duleedka Hiiraan

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-geel ee duleedka Hiiraan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhinaycada dagaalamay ay qasaarooyin dhimasha iyo dhaawac ay la kulmeen , waxaana aad u koobnaa qasaaraha rayid ee dagaalkaasi.

C/casiis Abuu muscab oo ah afhayeenka xoogaga dowlada ka soo horjeeda ee dagaalkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in qasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda isla markaana dagaalka  ay iyaga mas’uul ka ahaayeen.

Muscab  ayaa sheegay in ujeedada dagaalka ay aheyd shacabka in laga dul qaado waxa uu ugu yeeray fidna wadayaal uu ula jeeday ciidamada Dowlada.

 www.keydmedia.net