Dagaal ka dhacay Gobolka Baay

Buur-eyle(KON)-Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Xalay Al-shabaab iyo Dad Shacab ah ay ku dagaalameen deegaanka Buur-Eyle ee Gobolkaasi Baay.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay  Gobolka Baay

Gudoomiyaha  Degmada Buur-hakaba  Xuseen Maxamed   Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaal u dhaxeeya Dadka Shacabkaa  iyo Al-shabaab uu ka dhacay Deegaanka Buur-eyle.

Ugu yaraan  Saddex Qof oo Shacab ah ayaa Dagaalka ku Geeriyooday ,waxaana ku dhaawacmay  in kabadan 8 kale oo Shacab u badan sida uu Gudoomiyaha u sheegay Warbaahinta.

Xuseen Maxamed Cali ayaa sheegay in dagaalka uu yimid ka gadaal markii Al-shabaab Dadka Deegaanka ay ku Amreen in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Mar marka qaar  Deegaanka taga in aan wax laga gadin.

Gudoomiyaha Buurhakaba ayaa Bogaadiyay Shacabka la dagaalamay Al-shabaab,waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Gacan siineeyso Dadka Go'aansatay in ay iska Dulqaadaan Reeryada Al-shabaab.

Dadka Shacabkaa ee ku nool Goobaha Shabaab ay Maamulaan ayaa inta badan la dagaalama Al-shabaabka ay ku hoos nool yihiin,kuwaas oo aysan jirin Dowladda ku Taageerta Dagaalka.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho