Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

Garbohaarey (KON) - Dagaalkaan u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Maanta ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

Goobaha la isku fara saaray waxa ka mid ah Deegaanka Ceelgaduud oo 45-KM dhanka Galbeed kaga aadan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Geddo,waxana dagaalka uu ahaa mid Saacado soconayey.

Dagaalka maanta ayaa waxa qaaday Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo kuwa kenya oo weeraray Fariisomo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelgaduud,halkaa oo Maleeshiyaadka Al-shabaab Dadka Deegaanka si qasab ah ay oga aruurinayeen Xoolo farabadan.

Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin Qasaaraha rasmigaa ayaa warar hor dhac ah waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 6 Ruux ay ku dhinteen dagaalka oo 4 kamid ah ay yihiin  Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dadka Deegaanka Ceelgaduud ayaa sidoo kale Keydmedia Online u sheegay in dagaalka lagu gubay Gaari Tigniko ah oo ay leeyihiin Ciidamada kenya oo qeybta ka ahaa dagaalka maanta.

Waxaana la ogaan karin qasaaraha soo gaaray Dadka shacabkaa ee kunool halkaasi maadaama ay adag tahay in la helo xogta rasmigaa ee qasaaraha.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.