Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Barwaaqo oo hoostimaada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana uu yimid dagaalka Markii Ciidamada is garab sanaya ay halkaasi Weerereen.
Gudoomiye Xigeenka Gobolka Gedo Diyaad cabdi Kaliil ayaa Warbaahinta u sheegay in Dagaalka ay la galeen Maleeshiyaadka Al-shabaab,ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay Guulo ka Gaareen.
Diyaad Cabdi Kaliil ayaa Xusay in Dagaalka ay ku Dileen 7 Ruux oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab,waxaana sidoo kale uu sheegay in ay Nolosha ay ku qabteen Dhagarqabe ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo Dhaawac ah.
Gudoomiye Xigeenka Gobolka Gedo Diyaad ayaa intaa ku daray in Ciidamada Dowladda FS iyo kuwa Itoobiya ay ku wayahan yihiin Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay Maamulaan Maleeshiyada Al-shabaab.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa Dhawr jeer ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments