Dagaal ka dhacay Janaale

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeeleha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay Dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinaca iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Janaale

Dagaalkaan oo Xalay bilaawday ayaa waxaa la isku adeegsaday Hubka Culus.

Ugu yaraan 5 Ruux ayaa ku dhimatay Dagaalka waxaana la sheegaya in 3 ay yihiin Dagaalyahanada Kooxda Shabaab.

Dagaalka kadib ayaa dad deegaanka waxa ay inoo xaqiijiyeen in halkaasi Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay  kabillaabeen Howl Gallo Xoogan oo dad u badan dhalinyaro lagu soo qabtay.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo