Dagaal ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Dagaal Saacado socday ayaa Xalay dhexmaray Maleeshiyaad Beeleedka Raaskambooni iyo Kooxo Hubaysan fariisin ay Maleeshiyaadka Raaskambooni ku leeyhiin Magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Kismaayo

Kooxo Hubaysan ayaa weerar kusoo qaaday Kontrool ay Kooxda Axmed Madoobe ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Wararka Keydmedia Online soo gaaraya ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 ruux ay ku dhimatay Dagaalkaas, inta badanah ay yihiin Shacab Rayid ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in 16 Qof ay ku dhaawacmeen Dagaalkaas oo Hub Culus la isku adeegsaday.

Sidoo kale, Maleeshiyaadkaan ayaa tiro Hoobiyaal ah ku soo weeraray fariisimaha ay Ciidamada Raaskaambooni Magaalada, ayadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Maamulka KMG ah ee Jubba wali kama uusan hadlin Dagaalkaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho