Dagaal ka socda Jaamacada Kismaayo

Kismaayo(KON)-Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo Al-shabaab ayaa ka socda Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka socda Jaamacada Kismaayo

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu ka soconayo Jaamacada Kismayo oo ay Fariisin ku leeyihiin Ciidamada Kenya iyo Kooxda Raas kambooni.

Waxaana Labada Dhinac ay Isku adeegsanayaan Hubka Nuucyadiisa kala duwa,ayadoona Dagaalka Xoogiisa uu Daqiiqado ka hor istaagay.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia online u xaqiijiyey in Dagaalka uu geeystay Khasaaro dhimashon iyo  Dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada dhinac iyo Dadka Rayidkaa.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya  in Dagaalka ay ku Geeriyoodeen ugu yaraan 6-Ruux oo iskugu jira Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya iyo Raas kambooni.

Waxii ku soo kar dha kala Keydmedia online

Keydmedia online - xafiiska Muqdisho