Dagaal ka socda Kalshaale

BUUHOODLE(KEYDMEDMAI) Wararka aynu ka heleyno deegaanka Kalshaale ee hoostagata magaalada buuhoodle ee gobalka Sool, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeya maamulada Faroole iyo Siilaanyo.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka socda Kalshaale

Dagaalka saakay ka qarxay halkaasi ayaa waxa uu daba socdaa dagaal shalay galinkii danbe ku dhex maray halkaasi ciidamo ka kala socda labada dhan.

Inta la ogyahay 10 qof oo labada dhan ah ayaa ku geeriyootay dagaalka iyadoona tira intaas ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalada tan iyo shalay ka socda deegaanka Kalshaale oo  22km dhanka Waqooyi ka xiga degmada Buuhoodle ee gobalka Sool.

Dagaalka ayaa ujeedadiisu tahay qaab maamulka gobalkaasi uu ay isku maandhaafsanyihiin maamulada Faroole iyo Siilaanyo, waxaana mudadanba uu ahaa mid ku soo laalaabtay deegaanadaasi.

www.keydmedia.net