Dagaal Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Gobbolka Jubbada Hoose

Kismaayo (KON)- Dagaal khasaare badan dhaliyay ayaa maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ee AMISOM iyo Maleeshiyaadka Shabaab ku dhexmaray gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Dagaal Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Gobbolka Jubbada Hoose

Dagaalka oo ay soo qaadeen Ciidamada huwnata ah ee Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni iyo Kenya ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan ku yaalla inta u dhaxeysa deegaanada Cag-libaax iyo Birta dheere ee hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada huwnata ah ay weerar ku qaadeen meel ay isku arruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.

Inkastoo ay warar kala duwna ka soo baxayaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, ayaa haddanah saraagiil dowladda ka tirsan waxaa ay dagaalka ka sheegteen guulo waxayna sheegeen inay dileen inka badan 17 qof oo ka tirsanaa Maleeshiyaadkii Shabaab ee ay dagaalka la galeen.

Maxamed Faarax Daahir Afhayeenka Ciidamada Dowladda ayaa Keydmedia u xaqiijiyay in dagaalka maanta ka dhacay Jubbada Hoose ay ku dileen 17 qof oo ka tirsanaa Shabaab, sida uu hadalka u yiri.

Sidoo kale Axmed Maxamed Maxamuud Cararb oo kamid ah saraakiisha kooxda Raaskaambooni ayaa Keydmedia u sheegay in Shabaab ay khasaare badan gaarsiiyeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo yeeray kooxda Shabaab ee maanta dagaalka lagu qaaday.

Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa ay wali ku suggan yihiin deegaan 60KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.

Keydmedia Online Xafiiska, Muqdisho