Dagaal mar kale ka dhacay Buuraleyda Bari

Wararka laga helayo Dhulka Buuraleyda ah ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi mar kale ay maanta ku dagaalameen ciidamada Maamul deegaameedka Bari iyo Nugaal iyo Wadaadka lagu Magacaabo Max'ed Saciid Atam.
Warar Keydmedia Online
Dagaal mar kale ka dhacay Buuraleyda Bari

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen laba ka tirsan Ciidamada Bari iyo Nugaal isla markaana ay ku dhaawacmeen shan kale, waxaana xooga Dagaalka uu maanta ka dhacay Tuulada Madashoob oo ka tirsan deegaanada Buuraleyda ah ee Bari.

Shalay ayaa hadal uu jeediyay wadaadka lagu magacaabo Atam waxa uu ku sheegay in si xeeladeysan uu uga durkay Buuraleyda Gal-gala isla markaana Dagaalka uu wadi doono tan iyo inta ay maamulka Guud ee gobaladda Bari iyo Nugaal ay kala wareegayaan.

Labada dhan ayaa mudooyinkaba waxaa u dhaxeeyay Dagaalo dhaxalkooda uu ahaa qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaara iyadoona dhanba kan kale inuu ka awood sareeyo uu ku faano.

www.keydmedia.net