Dagaal mar kale ka qarxay buulareyda Galgal

Wararka keydmedia.net ay ka heleyso deegaanka Buuraleyda ah ee Galgala ayaa sheegaya in halkaasi uu mar kale ka bilowday dagaal u dhaxeeyay Max’ed Saciid Atam iyo Ciidamada maamul deegaameedka Bari iyo Nugaal
Warar Keydmedia Online
Dagaal mar kale ka qarxay buulareyda Galgal

Dagaalka ayaa labada dhan waxa ay isu adeegsanayaan hub waxa ay heli karaan waxaana daryanka madaafiicda iyo hubka culus ee leysu adeegsanayo laga maqlayaa Magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran.

Atam ayaa kol hore waxa uu sheegay inuu wadi doono dagaalka uu kula jiro maamul deegaameedkaasi  oo uu sheegay in ay u adeegaan Dowlada Itoobiya isla markaana shacabka masaakiinta ah ay u gacan galiyaan.

Dagaalka maanta halkaasi ka bilowaday ayaa sida la sheegay waxaa ku geeriyooday 10 ruux oo labada dhan ah wallow aanu jirin war cad oo labada dhan wali ka soo kala baxay.

www.keydmedia.net