Dagaal saaka ka dhacay Wasaarada Gaashaan dhigga

Muqdisho (Keydmedia) - Dagaal xooggan oo u dhexeeya Kooxda Shabaab iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka ayaa waxa uu saaka ka dhacay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Dagaal saaka ka dhacay Wasaarada Gaashaan dhigga

Dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in dagaalka oo xooggan uu bilaawday salaadii xubax markii laga soo baxay, waxaana ka dhshay qasaare soo gaaray dad shacab ah oo ay ku haleelen xaafado ay ku sugnaayeen madaafiicda leesku ridayay.

Wararka laga helayo gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in shan ruux ay ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacday suuqaasi gaar ahaan Suuqa gudaarta.

Dadka dhaawacmay ayaa lasheegay in loo qaaday Isbitalka Deyniille halkaas oo wax looga qabanayo dhaawacyadii soo gaaray.

Wasaarada Gaashaandhigga oo ah halka dagaalku uu maanta ka dhacay, ayaa waxa maalma kahor ciidamada Burundi oo kamid ah ciidamada Shisheeye ee dalka Ku sugan xoog ugala wareegeen kooxda Shabaab oo fariisin ku laheyd

www.keydmedia.net